Banaan baxani oo looga soo horjeeday darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka ay la wadaagto Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay gudaha magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo,waxaana isugu soo baxay Boqolaal dadweyne ah oo ay ku jiraan Mas,uliyiinta Gobolka iyo kan degmada Garbahaarey..
Banaan baxayaasha ayaa sidoo kale aad uga xumaa dhibaatada Ciidamada Kenya ay ka wadaan magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo iyo bur burinta ay ku hayso guryaha ku yaala degmadaasi ee ay leeyahiin dadka shacabka ku dhan degmada.
Aden Siraad Cali oo ah ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Garbahaarey oo u waramayey Warbaahinta ayaa sheegay in Dibadbaxu u ahaa mid Shacabka ay ku muujinayeen dareenkooda,islamarkaana ayan u dul qaadan doonin falalka foosha xun ee kenya ay ka wado Xaduuda.