Kulankaan oo ahaa mid u dhaxeeyey Wafdi isugu jira Wasiiro”Wasiiro kuxigeen Xildhibaano ka socday Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Maamulada Degmooyinka Gobolka Bakool iyo Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah ee ka howlgala Gobolka Bakool gaar ahaan Magaalada Xuddur ayaa waxa la isku dhaafsaday baahiyaha ka jirta Degaanada Gobolka Bakool iyo sida ugu sahlan ee wax looga qaban karo.
Kulankaan oo uu shir guddoominayay Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Abdirasir Caruush ayaa Wakiiladii ka socday hay’adaha loogu soo bandhigey qaabka ay ula shaqeyn nayaan Maamulada si mashaariicda loo gaarsiiyo goobohii loogu talagalay.
Markii uu soo idlaadey kulanka waxa Saxaafada uga warbixiyey muhiimada kulankaan iyo waxyaabihii ka soo baxay Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin Axmed.
Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa maamulka iyo bulshada reer xuddur ku amaaney sida ay uga wada shaqeeyeen ka qeyb qaadashada amniga taasina sabab u tahay in hay’adaha baniaadanimada ka shaqeeya ay ku soo dhiiradaan.
Iyadoo mashaaricyo kala duwan oo bulshada wax tar u leh laga fuliyey gudaha magaalada xuddur ayaa hadana Hay’adaha waxa lagu dhiirageliyey in ay laba jibaaraan dadaalkooda waxana loo balan qaaday amaanka degaanada ay ka howgalayaan.