{WarsanRadio}Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa markale Xukun dil ah ku riday Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxammed oo horay dil ugu soo xukuntay Maxkamadda Darajada 1aad Ee Ciidamada Qalabka Sida.
Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed ayaa 18-kii bishii Janaayo ee sanadkan gudaha Dekadda Muqdisho ku dhex dilay Taliye ku xugeenkii ciidanka badda Soomaaliya Generaal Siciid Mariino kadib markii uu muran dhex maray.
20-Bishii February ayaa Maxkamada Ciidamada Qalabka sida waxa ay ku riday Ex, G/sare Cabdinaasir xukun dil toogasho ah,balse uu racfaanka qaatay,balse ugu dambeyn maanta markale xukun dil toogasho ah lagu xukumay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida S/guuto Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhowaaqay Xukunka dilka ah ee lagu riday Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed