Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Goblka Baay Qarax khasaare geystay ayaa maanta ka dhacay Barkontorool oo ku taalla Duleedka Galbeed ee Magaalada Baydhabo.
Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Maqaayad ku taalla Duleedka Galbeed ee Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhimatay Hal ruux oo Haweeney aheyd, waxaana ku dhaawacantay Afar qof oo Saddex ka mid ah ay ahaayeen dad shacab ah, halka kan kalena uu ahaa Askari, dadka dhaawacmay ayaa la dhigay Isbitaalka guud ee Magaallada Baydhabo.
Agaasime kuxigeenka Guud ee Isbitaalka Magaalada Baydhabo Axmed Ibraahim Cirro ayaa sheegay laba ka mid ah dhaawacyada in ay daran yihiin, balse ay la tacaalayaan xaaladooda.
Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa gaaray xaafada Wadajir ee Qaraxa uu ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaano, ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay qaraxaasi, xaalada ayaa waxa ay tahay mid degan.