Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka KGS Liibaan Sheekh Shuceeb oo sheegay in ay mardhow qorshaynayaan sidii loo hagaajin lahaa Xaaladda Nololeed ee Bakacayaasha ku nool duleedka Magaalada Baydhabo.
Ugu yaraan 41,000 Qooys ayuu sheegay agaasimaha wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka KGS in ay soo gaareen Magaalada Baydhabo, sidaasi darted wasaaradda ayuu yiri waxaa saran culays ka badan kuwa saran wasaaradaha kale, taasoo u baahan ayuu hadalkiisa ku sii daray in ay loo sameeyo qorshayaal wax ku ool ah oo wax ka badalaya Xaaladaha isbedalaya ee Barakacayaasha.