Muxudiin Xasan Maxamed Xusni oo ah gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Koofur Galbeed Soomaaliya ee (SOWEJA) ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee ururka Suxufiyiinka Qaranka Soomaalieed (NUSOJ) ayaa sheegay in ururka uu sanadkan 2018ka in uu gaaray guulo dhaxalgal oo la taaban karo, kuwaasoo uu sheegay gudoomiyaha in ay libinteeda leeyihiin dhammaan wariyayaasha ka howl gala koonfur Galbeed ee u dhabar adeegay guulaha Maanta uu ururka ku talaabsaday.
“waxaan qirayaa in Ururka Suxufiyiinta K.G ku mideeysanyihiin uu xaqiijiyay ahdaaftii loo unkay iyo maqaamkii laga rabay ee ahayd in uu Ururka la jaanqaado Ururada dhiggiisa ah eek a jira Dalka, taasina waxay keentay in uu noqdo Ururka Suxufiyiinta K.G mid ka soo muuqdo fagaarayaasha caalamiga ah ee looga hadlayo danaha wariyayaasha Dalka”.
Ugu danbayntii Gudoomiyaha waxaa uu ammaan iyo bogaadin u diray dhammaan wariyayaasha ku hoowlan mihnadda Saxaafadda ee uu magacooda ku matalo Ururkan, isagoo hogo tusaaleeyay in wax walba oo loo dhabar adeego sidaan oo kale loo guran doono mirahooda.
Ugu danbayntii waxaa balan qaaday gudoomiyaha in sanadkaan uu noqon doono sanad ay wariyayaasha heli doonaan fursadao badan oo isugu jira tababaro Dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo kor loogu qaadayo xirfadda Shaqada saxaafadda wariyayaasha gabdho iyo wiilalba, iyo agabka saxaafada loogu shaqeeyo oo ay ka mid yihiin Computero, Recoro oyo Kamirooyin casri ah, kuwaasoo uu gudoomiyaha sheegay in ay u sinaan doonaan wariyayaasha Sedexda Gobo lee maamul Goboleedka koofur Galbeed Soomaaliya uu ka koobanyahay.