{WARSANRADIO| Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostadda iyo isgaarsiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Ibraahim Isaaq Yarow oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda muqdisho ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii wasaaradda.
Waxa uu sheegay inuu doortay iscasilaadaasi, kadib markii uu isku soo sharaxay xilka afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inuu u gudbiyay warqada iscasilaadiisa, islamarkaana laga aqbalay, wuxuuna rajo ka muujiyay ku soo bixista xilka Afhayeenka Golaha Shacabka.
Waa wasiirkii Labaad ee shaaciya in uu iska casilay xilka Xukuumadda Soomaliya,waxaa iscasilay C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federalka Soomalaiya.