Qof walboo dadaalay xaqiiq waaye in uu ka miro dhalin karo hadfkiisa. Taasina waxaa daliil u ah 123 arday oo manta xaflad sagootin ah ku samaystay Iskuulka Macruuf taasoo u jeedadeedu ahayd in ay maalin sagootin ah la qaataan macalimiintooda muddo ay waagii beryaba wada joogeen ilaa manta laga soo gaaro.
Cabdi Shakuur Sheekh Cabdulaahi oo ah Gudoomiyaha Ardayda Dugsiga Sare ee Iskuulka Macruuf oo xafladda kalimaad ka soo jeediyay ayaa soo hadal qaaday imtixaanka sugaya culayskiisa
Wxay ahayd xaflad ay ka soo qeebgaleen mas’uuliyiinta iyo macalimiinta Iskuulka hoose dhexe sare ee Macruuf, waxaana lagu sagootiniyay arday dhamaysatay galas laba iyo tobnaad ee waxbarashada Dugsiga sare sanad dugsiyeedka 2017-2018.
Waxaa ardayda wajiyadooda ka muuqatay shucuur farxadeed oo ku aaddan manta iyo sida ay ugu weentahay taasoo muddo 12 sano ah u soo dhabar adeegayeen in ay soo gaaraan manta oo kale sida uu xafladda ka sheegay Cabdishakuur oo ahaa Gudoomiyihii Aradayda Dugsiga Sare Iskuulka Macruuf mar lagu soo dhaweeyay micrafoonka.
Cabduqaadir Cali Axmed Cadaawe waa Maamulaha Iskuulka Macruuf isla markaan ka mid ah Macalimiinta wax ka dhigta Iskuulka gaar ahaa Maadada Xisaabta, waxaa uu ka jeediyay Xafladda khudbad isugu jirtay dardaaran iyo xasuusin Macalinjka iyo sida uu u yahay astaan udub dhexaad u ah aqoonta iyo horumarka bulshada.
‘Anigoo ah Cabduqaadir Cali Axmed Cadaawe Dhamaan Ardada Dhigata Dugsiga Sare ee Iskuulka Macruuf In Maanta Ay Utahay Maalintii Kowaad Ee Ubilawan Laheed Waxbarashada Kaliya Ma Ahan Khalan Jabin Oo Galiya ;
Waa dufcadii ugu badnayd oo tiradooda gaarayso 123 arday oo ka qalin jabisay Iskuulkan 23 ka mid ah ay gabdho yihiin tan iyo Markii la furay Iskuulka Macruuf horaantii 2010kii iyadoo sanadba sanadka ka danbeeya ay sii badanayeen ardayda ka qalin jabinaysa iskuulka ilaa sanad dugsiyeedkan 2017-2018ka oo Maantana ardaydaan ayaankood ahaaday.