{WARSANRADIO} Dhakhaatiirta iyo Howl wadeenada qeybta Caafimaadka Ururka Bisha Cas ee Gobolka Gedo ayaa xaafadaha degmada Baardheere iyo Xeryaha ay ku jiraan dadka Barakacayaasha ah ee ku yaala duledka degmada ka bilaabay Olole wacyi gelin Nadaafadeed,kaasi oo ujeedadiisu ay tahay ka hor tegida Cudurada ka dhasha nadaafad darida.sida shuban biyoodka oo kale.
Dr.Aden Cabdi Kheyr oo ah Madaxa Caafimaadka Ururka Bsha Cas ee Gobolka Gedo oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay Maalamahii ugu dambeeyey in degmada ay ka howl geliyeen Qaar ka mid ah Howl wadeenada Caafimaadka Bisha Cas si wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhalan kara fatahada ka socota degmada Baardheere,gaar ahaan Biyaha Wasaqoobey,kuwaasi oo sameynayey Wacyi gelin Nadaafadeed iyo qeybinta kaniini lagu nadiifiyo Biyaha ee Dila jeermiska.
Dr.Aden ayaa waxaa uu intaasi ku darey in ay walaac xoogan ay ka qabaan Cudurada ka dhalan kara Fatahaadaha iyo Roobabka da,aya,waxaana uu sheegay in Bulshada Baardheere maalmaha soo socda ay u qeybin doonaan Saabuunta lagu meyrto iyo jirgaamaha biyaha lagu shubto,si wax looga qabto Nadaafada deegaanka.