Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed, si rasmi ah uga Furmay qeybta koowaad dood cilmiyeed ku saabsan waxyaabaha sababa tacadiyada ka dhanka ah ee jinsiga,gaar ahaan kuwa ay la kulmaan ama ay la kulmi karaan gabdhaha ka howlgala qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Soomaaliyeed.
Waxaa ka soo qeyb galay furitaanka dood cilmiyeedka Kusimaha madaxweynaha maamulka kgs ahna waziirka amniga, wasiirka wasaarada warfaafinta iyo Agaasimaha Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta ee kgs luul isaaq aadan oo ka socotay Ururada Bulshada rayidka iyo qeybo badan oo ka mid ah wariyaasha ka shaqeeya warbaahinta Magaalada Baydhabo, oo ay ku jireen maamulka sar sare ee warbaahinta. baydhabo ka howl gasha .
Kulanka waxaa soo abaabulay Ururka Gabadhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SWJ iyaga oo caawinaad ka helaya Hey’addaha IMS iyo FOJA MEDIA .
Dood cilmiyeedkani waxa uu qeyb ka yahay doodo maalmihii ugu dambeey #SWJ ay ka qabaneysey qaar kamid ah gobalada dalka.