Xaawo Isaaq Boore oo ah hooyada dhashay Maxamed Aadan oo ay indha tirtay Jadeeco ayaa loo sameeyay Shaqo abuur iyadoo loo furay Miis loo saray badeeco kala duwan oo ay ku bilaabanayso ganacsi ay ku maarayso nolosha qooyskeeda oo uu ku jiro Maxamed Aadan.
Waxaa shaqa abuurkan u sameeyay Xaawo dhalinyaro si iskood ah isu xilqaamay kuwaasoo daba socda wadadii ay furtay marwo Luul Isaaq oo ahayd Hooyadii markii ugu horaysay ka jawaabtay Codsigii ay u jeedisay hooyo Xaawo Bulshada oo ahayd in lagu garab istaago mustaqbalka wiilkeeda jadeeadu ay indho beelisay.
Bulshada oo isu xilqaanta in ay iscaawiso dhexdeeda waxaa ay keentaa in laga baxao ku tiirsanaanta hay’adaha deeqda bixiya, taasoo la ogaaday in ay ku timaado dhaqaalo aruurin Bulshada caalamka ku nool ay ka sameeyaan Iskuulada, xafiisyada, Kaniisadaha iyo Masaajidada kadibna iyadoo badan ay ku wareejiyaan hay,adaha sidaasna la inoogu yabooho.
Xili haddii aan dadaalno annagaba samayno dhaqaale aruurin qofba karaankiisa ah samata bixin karto qooysas badan sida dhalinyaradan shaqa abuurka u samaysay Hooyo Xaawo oo sida idiin muuqata wax yar oo la isku dardaray iyagoo badan Miiskeeda camiray berina ka rajaynaysa in ay ka samayso coowd iyada iyo qooyskeeda wax kabadeli doonto nolosheeda.