Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo goor dhow la hadlay Warbaahinta ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay guddi u saartay Xaaladda Magaalada Baledweyne.
Guddigaan ayaa waxa ay ka kooban yihiin 22 Xubnood, waxaana hoggaamin doono Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.
Waxaa ka mid ah guddiga Wasiiro,Xildhibaano Culimo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wasiirada, si looga jawaabo Fatahaadda Wabiga Shabelle.