{WARSANRADIO} Maalmihii u dambeeyey waxaa magaalada baydhabo ku soo badaneyey dilal ay geystaan ciidanka amaanka baydhabo kuwaasi oo inta badan dil barer ah u geysta darawalada ka xeeya mooto bajaajka oo baydhabo ku badan .
Xasan macalin yuusuf balack waa mudane ka tirsan baarlamaanka kgs waxaa uu sheegey arintan iney tahay mid ku soo noq noqotey baydhabo oo ciidanka ay geystaan wuxuuna la yaab ku tilmaamey in ciidankii dadka shacabka amaankooda sugi lahaa iney dhibaato u geystaan .
Darawalka baajaajka isagaa leh ma xoog baa inuu ku qaado hadii uu kuu is taagi waayo ma qasab baa inaad xabad ku rido taasi oo isaga dhibaato u geystana ha noqoto dhimasho ama dhaawac soo gaara ka xeeyaha bajaajka ama dadka rakaabka ah ayuu yiri xildhaibaan balak .