Waxaa manta baydhabo soo gaarey wasiir ku xigeenka maaliyada soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo imaatinka wafdiga wasiirka wuxuu daba sacdaa wado laami ah oo dhawaan baydhabo laga hirgaliyey
Wadadan ayaa dhirirkeedu wuxuu gaareyaa 3.5 km waxaana wasiir ku xigeenka maaliyada c/lahi sheikh cali qaloocow oo xariga ka jarey wadadaas .
Wadadaan waxey dhexmartaa bartamaha magaalada baydhabo waxaana kol hore dhagax dhigey wasiirka maaliyada xukuumada soomaaliya ditoor c/raxmaan ducaale bayle
Wasiirka maaliyada kgs Cabdiraxmaan aadan Ibrahim Satte ayaa Soo dhaweeyey Mashaaricda wasaarada maaliyada soomaliya ay ka hir galineyso deeganada kgs tilmaameyna tani iney tahay mid qeyb ah bilcda magaalada baydhabo .
Wasiir ku xigeenka maaliyada soomaliya cabdulahi shekh cali Qalocow ayaa u mahad celiyey dhamaan dadkii ka qeyb qaatey dhismaha wadadan wuxuuna sheegey in dowlada soomaliya ay wado dadaalo ku aadan sidii loo soo celin lahaa dhamaan wadooyinkii ku bur burey dagaaladii dalka soo marey isagoo intaa raaciyey in mashaaric badan ay ugu tala galeen kgs iney ka hir galiyaan ku waasi oo ka mid ah dhismaha wadooyinka goobo wax barasho cisbitaalo iyo kuwo kale .