{WARSANRADIO} Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay dhowr kalana waa ay ku dhaawacmeen kaib markii uu qarax ka dhacay suuqa xoolaha ee deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Sh/hoose.
Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa xoolaha deegaanka Buulo-Mareer iyadoo uu dhacay qaraxa xilli ay dad badan ku sugnaayeen gudaha suuqa oo maalinta sabtida ah mid ay ganacsato iyo xoolo dhaqato badan ay yimaadaan.
Guud ahaan gobolka Sh/hoose ayaa todddobaadkan waxaa loogu diley siyaabo kala duwan dad ka badan labaatan ruux oo isugu jira dad rayid ah iyo ciidamo.
Maalmahan waxaa kordhay qaraxyada iyo weerarada ka dhaca Shabeellaha Hoose, maalmo kahor qaraxyo ka dhacay gobolkan ayaa waxa ay dileen in ka badan 20 qof.