Alle Hu naxariistee Maxamed ibraahim Garmeele oo loo yaqaano marshaalle oo ka mid ah wadiyaasha ka shaqeeya wadada dheer ee xiriirisa baydhabo iyo muqdisho ayaa maanta lagu diley meel u dhow magaalada daafeed ee gobolka shabeelaha hoose .
marxuumka la diley ayaa la sheegey in dilkiisa uu ka dambeeyey mid ka mid ah ciidanka dowlada ee wadadaasi ku sugan ka dib markii ay ku murmeen lacag gaadiidka looga qaado isbaaro la sheegey iney meesha u taalo ciidan ku labisan dareeska militariga soomaliya .
wiilka darawalka ahaa ee la diley ayaa saaka ka soo baxay magaalada muqdisho isagoo ku soo jeedey magaalada baydhabo ee gobolka baay .
Cali Carab oo isna gaari kale watey marxuumka la dileyna isla socdeen ayaa ka sheekeeyey qaabka dilka uu u dhacay iyo sababta ka dambeysa .