{WARSANRADIO}Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.
“Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.”
“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.”
Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.
Dagaalo culus oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa dib uga soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq, waxaan labada maamul uu midba midka kale ku eedeeyay inuu dagaalka soo qaaday.