Wasaaradda beeraha oo waraabka D.G.K.S ayaa kulan kula yeelatay hoolka Wasaaradda qorshaynta hay’adaha iyo NGO’yada ka shqeeya dhanka Beeraha. Kulanka waxaa shir gudoominiyay Wasiirka Beeraha iyo waraabka KGs Maxamed Xasan Fiqi iyadoo ka soo qaybgalayaasha ay wasaaradda siinayeen warbixino ku aadan waxqabadkooda beeraha.
Kulanka oo muddo saacada ah qaatay oo ay saxaafadda dibad jog ka ahayd ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa Saxaafadda u waramay Maxamed Xasan Fiqi oo ah Wasiirka Beeraha iyo waraabka K.G.S
Wasaaradda Beeraha iyo waraabka oo ah awoodda wax soo saarka Maamul Goboleedka ayaa kulamadan ay la qaadanayso Hay’adaha iyo NGO’yada waxaa ay ku doonaysaa in ay ku dardar galiso kordhinta wax soo saarka beeraleyda iyado culeys ku saarayso hay,adaha iyo NGOyada ku shaqeeya Beeraha in ay ka taagyeeraan tacbatada tasiilaadka ay u baahan yihiin sida abuurka, makiinadaha beeraha lagu falo iyo sameynta kanaalada lagu waraabiyo Beeraha si loo harmariyo beeraha deegaanada KGS.