Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Cabdulaahi Cali Watiin ayaa Shacabka Kunool Magaalada Baydhabo Ka Codsadey Inay Dhowraan oo ay Ilaaliyaan Waxyaabaha Maamulka Degmada Baydhabo Kusoo Kordhiyey Islamarkaasina Kamid ah Horumarada Degmada.
Cabdulaahi Cali watiin ayaa Sidoo Kale Sheegay In Magaaladan Laga Taagey Nalalka ileyska qoraxda ku shaqeeya kuwaa soo Qeyb ka Qaatey bilicda Magaalada waxaana uu sheegey in nalal kaasi iminka ay dameen dhawaana maamulka uu qorsheynayo in dib u hagaajin uu ku sameeyo .
Waxaana Dhanka Kale Gudoomiye Watiin Shacabka Ka Codsadey In iyaguna Laga Doonayo Marwaliba iney la shaqeeyaan maamulka degmada iyo In Sidoo Kale ay Ilaashadaan Waxyaabaha Horumarkau ah magaalada Baydhabo .