{WARSANRADIO}Waxaa degan xaalada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo subaxnimadii hore ee saakay dagaal culus ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dagaalka, hasse ahaatee wararka ka imanaya goobaha caafimaadka labada maamul ayaa sheegaya in la geeyay dad ku dhaawacmay dagaalka.
Dhinac walba kan kale ayuu ku eedeeyay in uu weerarka soo qaaday, laakiin waxaa ay labada maamulba sheegteen wax ay ku tilmaameen guusha dagaalka saakay dhacay.
Inkastoo xaaladu degan tahay haddana wali waxaa jirta xiisad dagaal oo u dhaxeeya labada dhinac, madaama ay ciidamadu isa soo hor fadhiyaan.