Gudiga iskaashatada gaadiidka Gobolka Baay iyo xildhibaan idiris Cabdi dhaqtar oo ah Mudane katirsan B.F.S oo kulan ku yeeshay Xafiiska Mudanaha ayaa si wadajir ah waxaa ay uga hadleen dhibaatada ka jirta wadooyinka isku xira Magaalooyin ka baydhabo. Barawe iyo Muqdisho.
Gudiga iskaashatada gaadiidlayda oo hadlay ayaa sheegey in ay dhowr jeer u tageen Ciidamada ku sugan wadooyinkaas tali yaashooda iyagoo mudo dhowr maalmood ah u soo jeediyen in ay isla meel dhigaan xalka arintan soo noqnoqotey sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka shacabka iyo gaadiidleyda ay ku qabaan marista wadooyinkaasi .
Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka B.F.S ayaa shaaciyay xog ku aadan tiradii dadka lagu diley waddada bilkasta, ilaa iyo sanad isagoo xildhibaanka xusay in kuwa sidaas wax yeelay ay yihiin ciidamo kula bisan dareeska ciidanka oo haddana gumaaday shacabkooda.
Arintaan ayaa soo noq noqotey waxeyna dhacdadii u dambeysey ay ka dhacdey wadada isku xirta baydhabo iyo muqdisho ka dib markii darawal ka shaqeeysta wadaas lagu diley isagoo ka soo baxay muqdisho kuna soo jeedey baydhabo illa iyo hadana arintaas aan waxba laga qaban.