{WARSANRADIO} Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa caawa toogash ku dilay guddoomiyhii ururka dhalinyarada Warta-Nabada ee gobolka Banaadir, sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Ragga toogashada geystay ayaa bartilmaameedsaday guddoomiyaha oo lagu magacaabi jiray Cabdiwali Maxamed Axmed kaddib markii uu ka soo baxay sida la sheegay masjid uu ku soo tukaday salaada.
Waxaa lagu waramayaa in meydka marxuumka ay halkaa ka soo qaadeen guddoomiyaha degmada Warta Nabada Seynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) iyo saraakiil ka tirsan laamaha Amniga.
Guddoomiyaha Warta-nabadda ayaa sheegtay falkan in ay caawa kulan deg deg ah ka yeelan doonaan, waxayna ciidamada ammaanka ku amartay in ay ka daba tagaan raggii dilay Guddoomiyihii ururka dhalinyarada degmada Warta-nabadda.
Toogashadan ayaa qeyb ka noqoneysa dilal is daba joog ah oo waayadii ugu danbeeyayba ka dhacayay magaalada Muqdisho.