{WARSANRADIO} Wararka ka imanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe in gelinkii dambe ee maanta ay miino kula qaraxday mid kamid ah gaadiidka ciidamada AMISOM oo halkaa marayay.
Kolonyo gaadiid ah oo ka tagtay magaalada Jowhar ayaa qaraxan miinada ah lagula eegtay halka loo yaqaan Il-Baq oo u dhexeysa deegaanka Qalimow iyo degmada Balcad.
Lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkan hase yeeshee dad ku safray wadada ayaa sheegay in god weyn iyo dhiig lagu arkay halka gaariga qaraxa lagula eegtay balse gaariga uu safarkiisii sii watay.
Hase yeeshee ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay kala degeen mid ka mid ah gaadiidka dadka rakaabka ah ee marayay halkaa mid kamid ah rakaabkii saarnaa baabuur ku sii jeeday magaalada Muqdisho.
Goobta qaraxan uu ka dhacay ayaa ah meel dhowaan lagu diley labo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle iyo ciidamo la socday.
Wadada u dhexeysa magaalada Jowhar iyo degmada Balcad ayaa hore dhowr jeer waxaa lagu weeraray gaadiid isugu jira kuwa ay ciidamada AMISOM leeyihiin iyo gaadiid ay wateen ciidamada milatariga Soomaaliya.