{WARSANRADIO}Sheikh Mukhtaar Sheekh Cabdikariin oo ka mid ah Culimada Degmada Xiraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa u xaqiijiyay Idaacadda warsan in uu bisha ka arkay Degmada Xeraale kadibna ay ka sugeen Culimada Degmadaas oo sidaasna maalinta berito ay tahay Maalintii koowaada Ciidul Fidriga.
Sheekh Mukhtaar Sheekh Cabdikariin ayaa hadlkiisa intaas ku daray in ay ka sugeen Bilashada Bisha Shawaal ama Soonfur Culimoada Degmada Xeraale ugu caansan ee lagu kalsoonyahay sida Sheekh cadikariin oo ah Sheekh Mukhtaar aabbihiis oo Degmada Xeraale ka ah Mudaris siweyn looga yaqaano iyo culimo kale oo iyaguna macruuf ka ah Degmada Xeraale.