{WARSANRADIO} Waxaa Caawa soo Gabagaboobey tartan aqooneedkii bisha barakeysan ee Ramadaan ka socdey Idaacada Warsan ee Magaalada Baydhabo .
Tartankan Waxaa uu u Dhaxeeyey 21 Kooxood oo Ka socdey tobanka Xaafadood ee Baydhabo . Xaafad Walba Waxaa Ka Socotey laba Kooxood oo kala ah A iyo B oo ku kala jirey Guruubyo ka koobnaa shan Guruub kaa soo soo Marey mar xalado kala duwan oo dhamaan kooxihii ka qeyb qaadanayey intii uu tartanka uu socdey soo bandhigey dadaal ,karti,asluub,iyo aqoon runtii la dhihi karey dhamaan tood way guuleysteen .
Wareegii 1aad 2aad iyo 3aad Waxey ahaayen is wada arag xaafadaha ay ku soo baxayeen dhibca tirsi oo lagu qiimeyneyey Guruub walba iney ka soo baxaan labada kooxood ee ugu dhibcaha sareeya .
Wareegi 4aad iyo 5aad Waxaa isku arkayey kooxihii u soo gudbey oo iyagana ku kala baxaayey ciyaarta kala badinta oo ay guusha raaceysey kooxdii habeenkaas badisa illa laga soo gaaraayey afar dhamaadka tartanka .
21kii kooxood ee lagu bilaabey tartan aqooneedkii idaacada warsan ee bisha barakeysan ee Ramadaan Waxaa isugu soo Harey 5 kooxood oo sedex hal habeen wada tartameen oo lagu kala saarey dhibca tirsi oo kooxdii sedexdaas kooxood ugu dhibca badan ay ugu soo gudbeysey dhamaadka taratanka ,halka labada soo hartey ay isku beegmeen oo mid ka mid ah ay u soo gudubtey dhamaadka taratanka iyadoo kaalinta 3aadna ay ka soo baxdey sedexdii xaafadood ee habeenka wada tartamey tan kaalinta koowaad ku soo baxdey mida ku soo xigtey ay sidaa ku noqotey kooxda kaalinta sedexaad ee tartanka.
Xaafadaha kala ah Salaamey B iyo Bardaale B oo noqdey labada kooxood ee ayaanka ugu simey iney soo gaaraan dhamaadka tartanka ayaa caawa waxaa dhexmarey tartan adag oo labada kooxood ay soo bandhigeen Aqoon ,Dadaal,Karti iyo Asluub ayaa ugu dambeyntii Xaafada Bardaale B Waxey Noqotey Kooxda Hanatey Koobka tartan Aqooneedkii Bisha Barakeysan ee Ramadaan ka socdey Idaacada Warsan ee Baydhabo oo ay guushana ku Qaadey 13 toban dhibcood oo ay kaga badisey Kooxdii Ka socotey Xaafada Salaamey B oo la timid 10 dhibcood sidaasna xaafada Salaamey B ay ku noqotey Kooxda Kaalinta 2aad Ka gashey Tartan Aqooneedkii Idaacada Ka socdey.
Kooxda kaalinta 1aad Bardaale (B) Kaalinta 2aad Salaamey (B) kaalinta 3 aad Cadaada (A)