{WARSANRADIO} Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa la soo gaarsiisey Diyaarad sidey Deeq Daawo ah oo ka timid dhinaca Magaalada Muqdisho,taasi oo oo loogu talagey dadka Bukaanada ah ee jiifa Isbitaalka guud ee degmada Baardheere,deeqdani Daawo oo ka koobneyd ilaa 250 kartoon oo u badan Daawooyinka looga hortago Cudurka Shuban biyoodka ,Nafaqo darida iyo Malaariyada ayaa waxaa degmada soo gaarsiiyey Howl wadeeno ka kala socdey Hay,ada Samafalka ee Human Abeal iyo Wasaarada Caafimaadka ee DF.
Goobtii lagu wareejinayey Gargaarkaasi Daawo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baardheere,Qaar ka mid ah Odoyaasha degmada,Maamulka Isbitaalka,Ururka Haweenka Degmada,Ururka dhalinyarada,Gudiga Gurmadka Fatahaadaha Baardheere iyo Saraakiil ka socotey Wasaarada Caafimaadka degmada Baardheere .
Cabdulaahi Maxamed Xasan(Cabdulaahi Shiino) oo ah Madaxa Hay,adda Human Abeal ee Dalalka Soomaaliya iyo Kenyya oo ugu horeen ka Hadley Munaasabadii lagu wareejinayey deeqda Daawada ayaa sheegay gargaarka Daawo ee ay soo gaarsiiyeen Degmada in ay ugu talo galeen in ay wax ka taraan Xanuunada ka jira degmada,Malaariyada, Cudurka Shuban biyoodka xilliyada ay dhacaan iyo Fuuq celinta gaar ahaan Hooyooyinka Uurka leh iyo Caruurta da,dooda ay ka yar tahay Shanta Sanno.
Cabdulaahi Shiino ayaa waxaa uu intaasi ku darey Deeq Daawo oo midaan la mid ah in ay horey u gaarsiiyeen degmooyin ka tirsan Dalka Soomaaliya,waxaana sidoo kale uu tilmaamay hay,adooda in Maalmaha soo Socda in ay Beeraleyda Baardheere ee khasaaraha kala kulmey Fatahaada Webiga Jubba ka caawin doonaan Beeraley Tiradoodu ay gaareyso ilaa 600 oo qoys, Gargaar xaga soo kabashada Beeraleyda,sida Abuur qeybin,Diyaarinta Dhul beereedka ku bur burey Fatahadaha,Tababaro xaga wax beerashada,Qalabka Beeraha iyo Gargaar isugu jira Raashin iyo Agab xaga hoyga ah oo la siin doono Boqolaal Qoys .
Cabdulaahi Nuur Xasan (Cadow) oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere iyo Yuusuf Xaaji Aden oo ah Isku duwaha Wasaarada Caafimaadka degmada Baardheere oo ka hadlay Munaasabada ayaa waxay u mahad celiyeen Hay,adda Human Abeal Gargaarka Daawo ee ay soo gaarsiiseen degmada Baardheere iyo Mashruuca balaaran ee lagu taageerayo Beeraleyda Waraabka degmada Baardheere ,talaabooyinkaasi oo idil ayey sheegeen in ay ahmiyad u leeyahiin Bulshada Baardheere.
Deeqdani Daawo ee Maanta la soo gaarsiiyey Isbitaalka Baardheere ayaa waxay ku soo beegmaysaa Xilli bilahii la soo dhaafey daawo yari baahsan ay ka taagneyd Isbitaalka guud ee degmada oo ay ku jiraan Bukaano la liita cuduro u badan Shuban biyoodka iyo Malaariyada.