Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir Dab khasaare hantiyadeed ka dhashay ayaa gelinkii dambe ee maanta ka kacay guri Jiingado ka sameysnaa oo ku yaalla Waaxda Nageyle ee degmadaasi.
Gurigan oo ku yaalla xaafada Sheekh Aadan Dheere ee degmada Kaaraan ayaa waxaa ku noolaa Aabe iyo Hooyo iyo caruur ay dhaleen, balse dhammaantood wax khasaare ah kama soo gaarin dabkan, iyada oo dabka keliya uu baabi’iyay guriga.
Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhaliyey shay Soolar guriga yaallay, kadibna wuxuu qabsaday korantadii guriga., iyadoo ugu dambeyn sidaasi dabka uu ku sii fiday.
Aabaha Qoyska oo lagu magacaabo Xasan Saney Maxamed ayaa waxa uu sheegay in arrintan ay tahay mid uu aad ula yaabay, balse uu ku qanacsan yahay qadarta Alle, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay gargaar la soo gaaraan, maadaama uu tilmaamay in ay yihiin qoys danyar ah.