Xulka dalka Jarmalka oo ku guuleystey tartankii ugu dambeeyay ee ciyaaraha adduunka ayaa kulankoodii ugu horeeyay guuldarro ku bilowday kadib markii xulka Mexico uu ugu awood sheegtay 1-0.
Labadan koox oo ku wada jira guruubka F ayaa ciyaartoodii ugu horeysay waxaa ay ahayd mid adag iyadoo xulka Mexico uu goolka guusha u dhaliyay daqiiqadii 36aad ee qeybtii hore ee ciyaarta Hirving Lozano.
Hase yeeshee xulka Jarmalka ee difaacanaya koobkan ayaa u suurtogeli weyday in ay soo taabtaan shabaqa xulka Mexico.
Ciyaaraha adduunka oo khamiistii aynu ka soo gudubnay ka bilowday dalka Ruushka ayaa laga dareemayaa isbedelo dhinaca ciyaaraha.
Xulka Argentine oo ka mid ah xulalka la aaminsanaa in ay yihiin xulka ugu adadag ee tartankan ayaa barbarro ku bilowday kadib markii ciyaar ay xulka Iceland ay 1-1 isla dhaafi waayeen.
Xulka Spain oo sanadkii 2010kii ku guuleystey koobka adduunka ayaa sidoo kale barbaro ku bilowday kadib markii xulka Portuqal ay isla dhaafi waayeen 3-3.
Wadamada u metelaya qaarada Afrika koobka adduunka ayaa xulalkii ciyaaray dhammaantood la dhadhansiyay guuldarro,xulka Masar,Morroco,Nigeria balse waxaa aan weli ciyaarin xulalka Senigal iyo Tunisia.
Ciyaaryahanada u saftay xulka Jarmalka ayaa waxaa ka mid ahaa Neuer, Kimmich, Boateng, Hummels, Plattenhardt (Gomez 79), Khedira (Reus 60), Kroos, Muller, Ozil, Draxler, Werner (Brandt 86).
Xulka Mexico ayaa waxaa u saftay ciyaartan Ochoa, Salcedo, Ayala, Moreno, Gallardo, Layun, Guardado (Marquez 74), Vela (Alvarez 58), Herrera, Lozano (Jimenez 66), Hernandez.