{WARSANRADIO}Xog-hayaha guud ee Golaha badbaadada KGS Musdhaf Macalin Isaaq(Garabeey) oo u waramayay Idaacadda Warsan ayaa sheegay in Maamulka KGS uu ka danbeeyo amni xumada si ay ugu marmarsiyooto ayuu yiri amni xumadaas una dheeraysato xukunka iyadoo ka iibinaysa beesha caalamka in aysan dhici Karin doorasho, waqtigana u kororsato.
Sidoo kale waxaa uu Xog-hayaha sheegay in aysan jirin wax haba yaraatee mudo kororsi wax walba oo dhaca isla markaana uu Goluhu diyaar u yahay in uu la galo tartan doorashada soo socoto oo waxa ka harsan mudada doorashada ay tahay bila yar oo kooban.
Waxaa uu Xog-hayuhu tusaale u soo qaatay xirnaashaha Golaha B.K.G uu ku macneeyay in ay tahay mu’aamarad ay siyaasad ku qarsoontahay oo uu ka danbeeyo Madaxweynaha K.G Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu xog-hayahu ku eedeeyay in isaga uu u xiranyahay Baarlamaanka uuna doonayo in uu sii xirnaado Baarlamaanka xildhibaanadana aysan kulmin doorashada ka hor.
Waxaa uu Xog-hayahu soo jeediyay in ay shacabka K.G ka quusan jiritaanka Dowladnimada iyo isbadalka ay sugayeen muddo dheer Goluhuna uu ku garab taaganyahay inta uu ka imaanayao, mudadiisan ay soo dhawdahay. Inta ka horaysanaya ay ilaashadaan Amnigooda iyo Dowladnimadooda, wixii khilaafaad iyo isku dhacyo Amnigooda xumaynaya eek a dhaca dhexdooda ay ku dhamaystaan dhaqankooda soo jireenka ahaa eek u dhisnaa guurtida lagu gali jiray geedka hoostiisa iyadoo la isku kalbanaanyahay lagu kala kici jiray.