{WARSANRADIO} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa farriin ku aadan Hambalyada Munaasabadda Maalinta Xornimadda ee 1-da Luulyo u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Donald Trump ayuu farriintiisa ku bilaabay “Mudane Madaxweyne, anigoo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka, waxaan adiga iyo shacabka Soomaaliyeed u soo gudbinayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 58 aad ee maalinta xorriyadda”
Dowladda Mareykanka waxaa ay naawileysaa in ay jaal la ahaato shacabka iyo dowladda federaalka Soomaaliya si ay u gaaraan mustaqbal ifaya.
“Ka wada shaqeynta dhismaha deganaansho, nabad iyo barwaaqo in Soomaaliya u hesho waa danta labada qaran, waana sii wadaynaa taageerada dhabihii arrintaas lagu