Waxaa soo noq noqdey dhibaatada lagu haayo shacabka ku socdaala wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka baydhabo iyo muqdisho iyagoo dhac ,dil,iyo kufsi haweenka loo geysto la isugu daro .
Arintaasi marar badan waxaa ka Hadley gaadiidleyda dhibkaas lagu haayo waxeyna arintaasi ku eedeeyen rag wata dareeska ciidanka militariga soomaaliya .
Cabashadoda cid wax ka qabatey ma jirto ha noqoto maamulka kgs iyo dowlada dhexe ee soomaliya .
Kul fadhigii baarlamaanka kgs oo shaley uu furey gudoomiyaha barlamanka soomaliya maxamed mursal waxaa intiisa badan madaxdii ka hadashey ku nuux nuux sadeen dhibka wadadaas ka taagan iyo sidii dowlada ay u furi laheyd jidkaas .
Pro: maxamed cumar Dalxa waxaa uu ka mid yahay xildhibaanada golaha shacabka soomliyeed wuxuuna qeyb ka ahaa madaxdii lagu casuumey furitaanka baarlamanka kgs .
Xildhibaan dalxa hadal uu goobta ka jeediyey waxaa uu si kulul uga Hadley dhibaatadan soo laa laabatey isagoo sheegey in wax laga xumaado ay tahay in dumarkii soomaaliyeed maalin walba rag wata dareeska qaranka ay kufsi iyo dil u geystaan taasina ceeb ay ku tahay maamul goboleedka kgs iyo dowlada dhexe
Wuxuu sheegey in odiyaasha dhaqanka kulan baydhabo kula qaateen ay u sheegen in madaxda dowlada waxba ka qaban arintaan marar badana ay codsadeen in la furo wadada muqdisho iyo baydhabo si ay u yaraadan dhibaatada shacabka loogu geysto wadadaas balse odiyaasha ka dalbadeen in codsigooda mar kale madaxda dowlada gaar siiyaan .