{WARSANRADIO}Guddiyada dib u eegista Dastuurka ee Labadiisa Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in loo gagacn dhaafay shaqadii loo igmaday ee aheyd dib u eegista Dastuurka KMG.
Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xoghayaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in faragelin lagu haayo howshooda.
Waxaa uu sheegay in aysan heysan waxyaabihii ay ku shaqeyn lahaayeen sida Xukuumaddaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in caqabadaha guddigooda soo wajahay uu qeyb ka yahay arrimo loo baahnaa in wada hadal dheeraad laga galo, kaddib shirkii Baydhabo.
Guddiyada dib u eegista Dastuurka ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in howshooda faragelin lagu haayo, waxaana jiray cabasho horay u soo jeediyeen oo dib loo saxay.