Runtii weey mudnaayeen in la siiyo shahaadooyin lagu abaal marinayo abwaanada iyadoo lagu weynaynayo isla markaana loo qirayo in ay yihiin haldooro bulshada KGS afkooda Maayga ay ku hadlaan in uusan lumin oo uu soo gaaro heerkan ah in uu ka mid noqdo labada af ee Soomaalida ku hadasho dastuurkana ku qoran.
Kol hore haddii ay waayeen in helaan hogaamiyayaal soo xusuusta haldoornimadooda oo awood leh, hadda weey heleen, waxaa yimid waayihii ay sugayeen waligood in uu imaanayo iyagoo ka niyad jabin ay ku taami jireen kadib markii sandkii 2016kii ay saaxadda siyaasadda looga arimayo mid ka mid ah oo ah golaha sharci dejinta Soomaaliya nasiibku ugu simay in ay ku soo baxaan siyaasiyiin mug iyo miisaan leh oo fahamsan baahiyaha bulshada iyo haldooradii la iloobay waxtarkooda sida abwaanada halabuurka ah kadibna durba abwaanada gudoonsiiyay shahaado sharaf qaali ah.
Waa kuwan Xildhibaan Maxamed Xuseen afaraale oo hadalo qiiro galiyay Abwaanada ka jeediyay xafladdi lagu gidoonsiinayay Shahaada Sharafta Bulshadana u sheegaya Abwaanada kaalinta ay ku leeyihiin jiritaanka afka Bulshada iyo sida loo sahlanayo.
Xildhibaan Maxamed Xuseen afaraale si loo helo raad ay dhaxlaan jiilka danbe ee imaan doono afka Maaygana u lumin waxaa uu soo jeediyay in la dhiso libraeeri lagu kaydiyo afka maayga suugaantiisa oo qoran taasoo uu xildhibaanka si gaar ah ugu dhiirigaliyay in ay kacaan dhalinyarada waxbaratay ee maanta haysata fursado ka badan tii ay haysteen dhalinyaradii tirade yarayd oo qaarkood magacyadooda soo hadal qaaday kuwaa soo shaqadoodii la qaatay afkoodii laga naqaystay kaalintoodii la inkiray iyadoo loo adeegasaday dhaqaale Dowladeed iyo xukun adag, iayadoo taas ka shidaal qaadanaya Dhalinyarada ay ka faa’idaystaa xoriyadda iyo ilbaxnimada casrigan la joogo ay afkooda meel lagu kaydiyo u sameeyaan Abwaanada dhaxal ka reebaan jiilka danbe wax tari doona.
Waa munaasabado xildhibaanadii laga doortay KGS xiligii doorashooyinkii dabanaa 2016kii doortay in ay ka qayb galaan marka lagu casuumo adagtahay, in ay iyaga abaabulaan warkeeda daaye. Balse faraha bina’aadamkaba ma sinna sidaasi darted waxaa taasi sameeyay Xildhibaano oo inta maskaxdooda ka soo maaxatay qabtay xaflad Abwaanada lagu gudoonsiinayo shahaado sharaf waxtarkoodana bulshada u soo bandhigay taasoo isbedel iyo xiriir cusub u samayn doonta xiriirka bulshada iyo saamaynta abwaanada xildhibaan Idiris cabdi Dhaqtar iyo Maxamed Xuseen Afaraale iminka ay Bulshada in ay u ifiyaan kaalintooda guntiga dhiisha isaga dhigay si maskaxda Abwaanada jiilka danbe u dhaxlaan.
Video Abwaano Shahaddo Sharaf Gudoonsiyay Xildhibaano Ka Tirsan BFS.
previous post