{WARSANRADIO}Tartankan ayaa ah mid u dhexeeyo laamaha kala duwan Xaafadda Wadajir ee Magaalada Baydhabo, waxaana soo abaabulay iskuulka mac’muur.
Mukhtaar Maxamed guuleed oo ah maamulaha Iskuulka mac’muur ayaa furitaanka tartanka kubadda cagta laamaha ay ka koobantahay Wadajir ka hadlayay ayaa sharxay tartankan galbta furmay.
GudoomiyE KU XIGEENKA Aadan Jimcaale dhalinyarada xaafadda wadajir iyo gudoomiyaha dhalinyarada degmada Baydhabo Maxamed Aadan dhagey oo ka hadlay munaasabadda furitaanka tartanka ayaa labadoodaba uga mahadceliyay Iskuulka Macmuur dadaalkooda iyo sida had iyo goor door ugu leeyihiin ka qaybqaadashada horumarinta dhalinyarada dhinac kasta gaar ahaan waxbarashada iyo soo abaabulista tartankan kubadda cagta ah oo lagu qabanayo salaxa iskuulka macmuur.
Waa tartankii ugu horeeyay oo loo qabto dhalinyarada Xaafadda Wadajir ee kubadda cagta isla markaana ay ku ciyaaraan garoon kubadeed oo u diyaarsan isboorti islamarkaana lixda xaafadood ee xaafadda uu ku dhexmaro tartan kubadeed taasna waxaa suurto galiyay Iskuulka Mac’muur, waxaana galabtan ciyaarta ugu horaysay dhexmaraysay labada laamood lixaad iyo afaraad.