{WARSANRADIO} La taliyaha madaxweynaha koonfur galbeed ee arimha bulshada iyo siyaasadda Idiris Maxamed Leesto ayaa shir jaraa,id uu ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay dad abaaro ay soo barakiciyeen xoolihii u haray dhul ay ku iibsadeen in maamulka gobalka iyo degmada ayagoo adeegsanaya ciidamada Amisom iyo kuwa booliiska isagu jira si xoog ah ugala wareegaan.
Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in xadgudub loo geystay weriyaal isagoo u diray inay soo xog wareystaan dadka dhulka lagala wareegayay balse ciidankii ay wateen maamulka gobalka iyo degmada ay weriyaasha ka hor istaageen shaqadii kadibna agabkii ay wateen sida kaamerooyinkii laga masaxay muuqaaladii ay dadka ka duubeen.
Dhulkaan oo ku fadhiya baaxad dhan afar kiilo miitir ayaa ku yaala deegaanka maanyo fuulka oo dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo,isagoo sheegay inuu la hadlay madaxweynaha iyo wasiirka amniga si dhulkaasi loogu deyn lahaa dadka iska leh oo xoolahoodi ku gatay oo abaaraha soo barakiciyay.
Waxaa uu fariin u diray madaxweynaha dowlad gobaleedka koonfur galbeed iyo hey,adaha ku shaqada leh inay soo faro geliyaan dhul boobka maamulka gobalka iyo degmada ay wadaan ee la taliyaha madaxweynaha ku eedayay taa soo uu sheegay inaysan ahayn mid qabato bulsho barakac ah oo iyagaba u baahan taageero.