Ugaas axmed xaaji xasan kasley gudoomiyaha cadaalada iyo sinaanta odiyaasha dhaqanka gobolka baay ayaa gaarey magaalada boosaaso ee gobolka bari .
Ujeedada socdaalkiisa waxey la xiriirtaa u kuur galida xaalada ay ku sugan yihiin dhalinyarada kgs ka soo jeeda ee deegaanadas ganacsiga ka sameystey iyo sidoo kale dhalin yaro badan oo waqtigaan ku jira xabsiyada Puntland gaar ahaana boosaaso sidii loo sii deyn lahaa .
Gudoomiye kaskey oo idaacada warsan u waramey waxa uu sheegey in dhibaato wayn heysato dhalinyarada digil iyo mirifle ee ganacsiga ku leh magaalooyinka waa weyn ee Puntland ha noqoto naftooda iyo maalkoodaba waxaa uu intaa ku darey in boqolaal dhalinyaro waqtigan ay ku jiraan xabsiga boosaaso kuwaa oo loo heysto dambiyo kala duwan oo lagu soo eedeeyey sida amni daro ay ka shaqeyneyeen iyo in qaar kood dambi la ‘aan la iska heysto .
Waxaan manta la kulmey sarkaal ka tirsan ciidanka amaanka ee boosaaso waxaan kala Hadley dhibaatada lagu haayo muwaadiniinta reer kgs ee ganacsiga ku leh boosaaso si wanagsan Ayaan u wada hadalney wuuna soo dhaweeyey hadalkeyga sidoo kale maalmaha soo socda waxaan la kulmi doonaa maamulka gobolka bari kan degmada boosaaso iyo saraakiisha amniga ee boosaaso waxaana rajeyneyaa in dhamaan dhalinyarada sida sharci darada ah ku xiran dib xuryidooda ugu heli lahaayen sidoo kalena loo bad baadin lahaa hantidooda sidaa waxaa yiri gudoomiyaha cadaalada iyo sinaanta odiyaasha dhaqanka ugaas Axmed xaaji xasan kasley .
Marar badan waxaa magaalooyinka Puntland lagu dhibaateeyey dhalinyarada kgs ka soo jeeda ee ganacsiga ku leh halkaasi iyadoo qaar kood la diley qaarna ganacsigooda boob lagu sameeyey iyadoo illaa waqtigaana aan cid loo heynin falalkaasi .
Maamulka kgs oo dhalinyaradaas ka soo jeedaana illaa waqtigan wax kama qaban arintan soo noq noqotey .