{WARSANRADIO}Ilaa Boqol iyo toban qoys oo ka mid ah Qoysaskii faraha badnaa ee ku barakacay fatahaadii uu sameeyey webiga Jubba ee mara Baardheere bishii abriil ee sanadkan ayaa loo qeybiyey Gargaar Raashineed iyo Qalabka xaga hoyga oo ka timid Hay,adda Samafalka ee Human Appeal ee xarunteedu ay tahay Muqdisho.
Gargaarka raashin iyo Qalabka Hoyga ee ay bixisey Human Appeal ayaa noocyadiisu waxay ka koob naayeen,Bariis,Saliid,Bur,Bacaha guryaha la saaro,Maro kaneecooyin,Sijaayado,bustayaal,Caagaga biyaha lagu shubto iyo Saabuunta lagu meyrto,iyadoo Qoys walbaana la siiyey Raashin iyo alaab ku filan muddo bil ah.
Cabdulqaadir C/raxmaan oo ka mid ah H/wadeenada Hay,adda Human Appeal oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay qoysaska ka faa,ideystey gargaarkani in ay ahaayeen kuwii ugu liitey ee noloshooda saameynta ay ku yeelatey fatahaada webiga Jubba ,ka barakacay guryahooda si ay u soo kabtaan.
Cabdulqaadir ayaa waxaa uu intaasi ku daray hay,adooda in ay ka mid ahayd hay,adahii u soo gurmadey Bulshada Baardheere markii ay ku dhacdey Fatahaadaha,isagoo sheegayna Bilaha May iyo Julay adeegyada ay ka caawiyeen Bulshada Baardheere in ay ka mid ahayd Caafimaadka,Beeraha iyo Gargaarka deg dega ah oo baahi weyn ay u qabeen Beeraleyda iyo qoysaska danyarta ah ee degan xaafadaha Baardheere.
“waxaan bishii shanaad ee sanadkan Baardheere aanu soo gaarsiinay diyaarad daawo ah oo aan ku wareejinay Maamulka Isbitaalka,waxaan gargaar isugu jira Abuur iyo Qalabka beeraha aanu siinay ilaa Lix boqol oo qoys oo ka mid ahBeeraleyda Jiimada Baardheere iyo Qalabka Qodaalka,mashruuca beeraha oo ah soo kabashada beeraleyda waxaa kale oo aan dhul diyaarin iyo hagaajinta kanaalada u sameynay ilaa 120 qoys oo halkii qoysba cagaf loo geliyey hal hektar oo ka mid ah beertiisa iyo Tababaro ku saabsan habka wax beerashada casriga ah oo aan u sameynay ilaa 200 ruux oo ka mid ah beeraleyda degmada sidaasi waxaa yiri Cabdulqaadir C/raxmaan oo ka mid ah H/wadeenada Hay,adda Human Appeal.
Xuseen Cabdi Xalane oo ah Ku simaha Gudoomiyaha Baardheere oo ka hadley goobtii lagu bixinayey gargaarka Rashin iyo Qalabka xaga hoyga ah ayaa ku amaanay Mas,uuliyiinta hay,adda Human Appeal sida ay ugu qeyb qaadatey Gurmadka bini,aadinimo ee ay la soo gaartey qoysaskii faraha badnaa ee ku barakacay fatahada uu sameeyey webiga Jubba,sida Beeraha,Caafimaadka iyo gargaarka deg dega ah.