Baydhabo Somaliya{WMN}-Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Difaaca Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo u waramay Idacadda Warsan isagoo jooga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo badan oo ku aadan xaaladda guud ee dalka.
Guddoomiye ku xigeenka, ayaa waxaa uu sheegay in laga haboon yahay in la siyaasadeeyo is-baddalada lagu sameeyay ciidamada Ammaanka ee magaalada Muqdisho.
Waxaa uu tilmaamay in haatan dowladda iyo Maamul gobaleedyada ay ka wada shaqaynayaan Ammaanka dalka.
Xuseen Cali Xaaji, oo sidoo kale ka tirsan xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxaa uu dhanka kale soo hadal qaaday xirnaashaha waddooyinka magaalada Muqdisho, isagoo difaacay xirnaanshaha waddooyinka qaar ee Muqdisho.
Hoos ka dhagayso Waraysiga aan la yeelanay Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji, waxaana uu u waramay wariyaheena Maxamed Aadan Socdaal.