Baydhabo Somaliya{WMN}- War saxaafadeed ay soo saareen Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in ay 2dii bishan 4 qof oo ay ku tilmaameen “argagixiso” ku dileen meel 74 KM waqooyiga galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ayadoo la kaashanayo xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ay ciidanka Maraykanku qaadeen weerarkaas oo ahaa mid dhinaca cirka ah.
Wuxuu war saxaafadeedku intaa ku daray in aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay. inkastoo ururka ALshabaab uu sheegay in dadka lagu laayay weerarka ay ahaayeen dad rayid ah.
Hase yeeshee warar ka soo baxay ururka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in afarta ruux ee weerarka lagu diley ay ahaayeen dad rayid ah oo saarnaa gaari nooca raaxada ah.
Dowlada Maraykanka ayaa duqeyn dhinaca cirka ah oo ay qaadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliya dalka Soomaaliya.