ka dib Markii Dadaalo ku Aadan sidii loo soo Deyn lahaa Dhalin yaro ka soo jeeda Deeganada KGS oo ku xiran xabsiyada Puntland uu u kacay ugaas Axmed Xaaji Xasan kaskey oo ah gudoomiyaha golaha Cadaalada iyo Sinaanta odiyaasha Dhaqanka Gobolka Baay ayaa u suura gashey in 7 ka mid ah dhalinyarada xiran la soo daayo .
Idaacada warsan oo la xiriirtey ninkaan ayaa waxaa uu ka sheekeyey sababihii keeney in la xiro iyo intuu ku jirey xabsiga dhibaatooyin uu la kulmey .
Wuxuu yiri” Boosaaso waxaan u tagey in aan ka sii tahriibo oo aan gaaro dalka Sucuudiga balse markii aan ka degey garoonka diyaaradaha Boosaaso ciidamada amaanka waxey iga ka xeeyeen halkaasi waxeyna iga wareysteen meesha aan ka imaadey iyo cidda aan ahay markaan u sheegey ka dib ayey Xabsiga igu tuuren oo la igu soo oogey inaan ahay Sarkaal ka tirsan al Shabaab.