Baydhabo Somaliya{WMN}- Isqaqabsiga dhulalka waa mushkilad taagan oo garteeda lagu hayo maalin walba maxkamadaha, taasi oo si loo xukumo lahayn sababo la xiriira iyadoo labada dhinac ee isku haysta dhulka ay wataan waraaqo dhinac walba ku sheeganayo milkiyadda dhulka.
Iyadoo taasi laga duulayo ayaa lagu daahfuray Baydhabo, notaayo Xaqsoor, ay sharciyad ka haysata maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaana aqoonsi ka haysta wasaaradda caddaaladda iyo Garsoorka ee KGS.
Xuseen Usgoowe oo ah Maamulaha Notaayada ayaa sharaxay Notaayada qaabka ay shaqaynayso iyo sida ay u dhimmi karto dhibaatooyinka kataagan dhammaan kala iibsiga dhulalka banana, Guryaha iyo Beeraha.
Guddoomiyaha Gobolka Cali Wardheere oo furitaanka Notaayada hadlay ayaa sheegay in looga baahanyahay Notooyada mas’uuliyad wayn iyo caddaaladdii iyo xaq-soor
Sheekh Xasan Ibraahim Lug-buur Wasiirka Garsoorka iyo Caddaaladda ee maamulka KGS, oo goobta ka hadlay ayaa isna ku adkeeyay nootaayada inay ku dadaasho Caddaalad, Sinaan iyo Eex-la’aan, taasi oo wasiirku uu sheegay inay tahay tan kali ah oo looga bixi karo mushkiladaha wax kala iibsiga iyo kala wareejinta waraaqaha sugaya lahaanshaha waxa ay bulshadu kala gadanayso.