Wafdigan oo Barqadii manta soo gaarey Baydhabo waxey isugu jireen Saraakiil ciidan oo ka tirsan wasaarada Gashandhiga Dalka ingiriiska iyo Diblumaasiyiin Waxaana soo Dhaweeyey Kusimaha Madaxweynaha KGS iyo Qaar Ka tirsan Golaha wasiirada Maamulka Kgs .
Ujeedka wafdigan ka socdey dowlada ingiriiska ee soo gaarey baydhabo ayaa ah mid daba socdey safar hore uu safiirka ingiriiska Somaliya u fadhiya ku yimid baydhabo iyo sidii loo dhameystiri lahaa shirarkaasi qodabadii ka soo baxay.
Waxey shir la qaateen kusimaha M/weynaha ahna wasiirka amniga KGS Xasan Xuseen Maxamed Kulan kooda ka dib waxaa Saxaafada La Hadley Afhayeenka madaxtooyada Nuuradiin Yuusuf Abuukar Gacma dheere .