Baydhabo Somaliya{WMN}-Maal mahii la soo dhaafey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa ku sugnaa Xubno siyaasiyiin iyo Qurba joog,kuwaasi oo kulamo kala duwan la yeelanayey qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Baardhere,gaar ahaan Odoyaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ee degan degmada.
Xubnaha soo gaarey Baardheere ee ka kala socdey Qurbajoogta iyo Siyaasiyiinta ayaa waxaa ka mid ahaa,Ibraahin Sanbuur Xasan,Cabdi naasir Cali Macalin iyo Axmadey Aden Buulle,dhamaan Xubnahani ayaa Odoyaashii iyo Waxgaradkii ay la kulmeen ayaa waxay uga warbixiyeen wacyiga maanta dalka uu ku jiro,muhiimada ay u leedahay Beelaha derisnimo wanaaga iyo Nabadeynta.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadley Odoyaal iyo waxgarad oo uu ka mid yahay Nabadoon Maxamed Cabdiraxiin Matow,waxuuna soo dhaweeyey Xubnahan oo uu ku tilmaamay in ay yahiin Mas,uuliyiin isa soo xilqaamey,ujeedadoona ay ahayd sidii nabada iyo midnimada Beelaha Raxaweyn looga shaqeyn lahaa iyo beelaha kale ee dega degmada Baardheere.
Gebagebadii ayaa kulamadaasi waxaa ka soo baxay in beelaha Raxaweyn ay ka qeyb qaataan nabada degmada iyo mida Gobolka,islamarkaana beelaha ku dhaqan degmada ay kula noolaadaan derisnimo wanaag iyo wax wada qabsi,xubnahani ayaa isla maantaba waxay dib ugu laabteen Magaalada Muqdisho