Baydhabo Somaliya-{WMN}- Xildhibaanada oo shir jaraa’iid ku qabtay Baydhabo, waxaa ay sheegeen in uu ahaa go’aan guracan oo aysan xildhibaanadaas waxba kaga badali karin qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada, kaasoo madaxda maamul goboleedyada si ku meel gaar ah, xiriirka ugu jareen wada shaqaynta Dowlad goboleedyada la lahaayeen Dowlada dhexe Federaalka Soomaaliya.