Baydhabo Somaliya{WMN}- Siyaasiyiinta xil doonka ah ee wali ku dhawaaqin Musharaxnimadooda ee maanta Baydhabo sida balaaran loogu soo dhaweyey waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti,Yuusuf Baadiyow oo isna horey wasiir Dowlada Soomaaliya u soo noqdey iyo siyaasiyiin kale.
Gadiid ayaa lagu soo galbiyey kuwaas oo sawiradooda ku dheganaayeen dhamaan Siyaasiyiinta Maanta Baydhabo soo gaarey.
Aadan Maxamed Soosansor oo ahaa musharxii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa inuu u taagan yahay Kursiga Madaxweynimo ee maamulka ayaa goobta soo dhaweynta hadal ka jeediyey.
Dr,Xuseen Xasan oo u hadlayay Siyaasiyiinta Baydhabo soo gaaray ayaa sheegey in u jeedkooda uu yahay iney dhibaatada ka saaraan bulshada Koonfur Galbeed islamarkaana ay isbadel doon yihiin
Baydhabo oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed ayaa dhowaan marti gelineysa doorasho,taas oo noqoneysa midii ugu horeysey oo Deegaankan ka dhacda,waxayna tusaale u noqon doontaa Doorashooyin sil silada ah oo sidoo kale ka dhici doona xarumaha Dowlad Gobaledyada dalka.