Baydhabo Somaliya{WMN}-Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cumar C/llaahi Maxamed (Faraweyne) oo xilkan soo hayay saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Nugaal loogu magacaabay C/salaam Xasan Xirsi oo horay u soo noqday Duqa degmada Garowe, xilligii Madaxweynihii hore Puntland Cadde Muuse.
Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa xilka waxaa loo magacaabay sanadkii 2015, waxaana adeer u ah Madaxweynihii hore ee Puntland Senator C/raxmaan Faroole.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa waxaa muddo xileedkiisa uga harsan ku dhowaad 99 maalmood, iyadoo ay ku soo fool leedahay doorasho, inkastoo aanu ku dhawaaqin inuu yahay Musharax mar kale u tartamaya xilka, hadana waxaa la hadal hayaa in magacaabidan qeyb ka tahay olole uu doonayo in mar kale uu dib ugu soo laabto.