Baydhabo Somaliya{WMN}Musharaxa Yuusuf NMaxcalin Baadiyoow ayaa kaga dhawaaqay in uu tartamayo madaxweyninimada Koofur Galbeed xaflad uu ku soo bandhigayay Musharaxnimadiisa oo ka dhacday baydhabo, waxaan sharxay siyaasadiisa uu ku hogaamin doono Koofur Galbeed.
Xildhibaan cabdi Nuur oo loo yaqaano ibdoow aase iyo xildhibaan Dhubbud oo hadalo ka jeediyay munaasabadda ayaa waxay sheegeen in ay soo dhawaynayaan musharaxiinta isla markaana ay tixgalin siin doonaan afkaarta bulshada ay codkooda matalaan si ay u doortaan hogaamiyaha ay doonayso bulshada si ay isbadal u sameeyaan.
Luul Isaaq Aadan oo ku hadlaysay codka Bulshada rayidka yaa si kulu uga hadashay doorashada 17 ka November iyo musharixiinta tirade badan ee isu soo taagaysa iyadoo u hadashay bulshada rayidka iyo rabitaankooda.
Yuusuf Macalin amiin Baadiyoow ayaa ah siyaasi horay xilal badan horay u soo qabtay lehna aqoon durugsan iyo siyaasad hogaamineed, taasoo haddii Koofur Galbeed xildhibaanadeeda ay u doortaan madaxweyne, wax ka badali karto caqabadaha ku horgudban habsami u socodka siyaasida cakiram ee koofur Galbeed.