Baydhabo Somaliya{WMN}-Wasaarada Gaashaandhigga Maraykanka ayaa ku qarash gareysay lacag gaareysa 12 malyan oo dollar dayactir lagu sameynayo garoonka diyaaradaha Ballidoogle ee gobolka Sh/hoose.
Saldhigga Ballidoogle ayaa ah xarun lagu tababaro ciidamada iyadoo saraakiisha tababarka bixinaya ay yihiin saraakiil Maraykan ah.
Dayactirkan lagu sameynayo garoonka ayaa sababaya in ay sare u kacdo ku lug lahaanshaha ciidamada Maraykanka dalka Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan US Africa Command ayaa waxa ay u xaqiijiyay wargeyska Air Force Times in ay ka howlgalaan saldhigga Ballidoogle iyadoo ay kaashanaya ciidamada nabad ilaalinta Africa ee AMISOM, balse waa ay diideen saraakiisha inay sheegeen in ay diyaaradaha dagaalka Maraykanka isticmaalaan garoonka Ballidoogle.
Ciidamada Maraykanka ayaa waxaa ayaa ilaaa labaatan jeer duqeyn cirka ah ku qaadeen ururka Al-Shabaab dalka Soomaaliya iyadoo saraakiisha ciidamada Maraykanka ay kaa gaabsadeen in diyaaradaha duqeynta geysanaya ay isticmaalaan garoonka diyaaradaha Ballidoogle.