Baydhabo Somaliya{WMN}- Guddiga joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay xilliga uu furmayo Kalfadhiga 4aad ee Aqalka oo muddooyinkii u dambeeyay u xirnaa arrimo amni iyo mid farsamo.
Kulanka Guddiga Joogtada Aqalka Sare ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana lagu go’aamiyay in 15-ka bishan October uu furmo kalfadhiga afaraad.
Habdhowraha Aqalka Sare Senator C/kaafi Macalin ayaa sheegay in Guddiga Joogtada uu isku raacay in Kalfadhiga 4aad uu furmo 15-ka bishan.
Aqalka Sare ayaa ka baaqsaday xafladii qorsheysneyd ee lagu waday in si wadajir ah Madaxweynuhu u furo Kalfadhiga Afaraad ee Labada Aqal Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
Guddoonka Aqalka Sare ayaa muddooyinkii u dambeeyay dalbanayay in ammaanka xarunta ay sugaan Ciidamo AMISOM, waxaana todobaadkii hore Ciidamo AMISOM oo qorsheynayay inay saldhig ka sameystaan Xarunta Aqalka Sare laga celiyay agagaarka KM-0 ee Koontaroolka Ciidanka NISA, kaddib markii taliska NISA uu ku dooday in aan lagu soo wargelin.
Hase ahaatee maalmo kaddib AMISOM ayaa bilowday inay saldhig iyo difaac ka sameysato Xarunta Aqalka Sare, si ay u sugto ammaanka xarunta, waxaana la arkayay gawaarida gaashaaman AMISOM oo ku sugan gudaha xarunta iyo gawaarida cagaf cagafyada oo sameynaya carro-difaac.