Baydhabo Somaliya{WMN}- Guddoonka Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom.
Kulanka labada dhinac oo ka dhacay xarunta Aqalka, waxaana looga wada hadlay wada shaqeynta Aqalka sare Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Ergeyga cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoona xilka kala wareegay wakiilkii hore Michael Keating.